Borama News Network
Somali News

Jubaland Oo War Ka Soo Saartay Imaanshaha Taliyaha Ciidamada Aminsom Ee Magaalada Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa War kasoo saaray Arinta Doorashada iyo Wafdigii Taliyaha AMISOM ee maanta gaadhay magalaada Kismaayo.

“Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Wax Laga Waydiiyay Xadhiga Roobaw Iyo Amniga Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Toosh Cadaawe Dhagaxaystay Oo Shacabkiisa Ku Soo Ifaya Ayaan U Aqaanaa” Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Oo Karbaashay Maayirka Borama + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Xildhibaanada Kasoo Jeeda Waqooyi Ee Laba Golle Iyo Xubno Dawlada Ka Tirsan Oo Qaadacay Gudiddii La Magacaabay ..

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy