Borama News Network
Somali News

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Somaliland Ku Hambalyaysay Maxaabiistii Uu Muuse Biixi Cafiyay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidiyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniintaas Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Intii kulanku uu socday ayaa odayaashu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

BERBERA: Meherado Ganacsi Ah Oo Ku Gubtay Berbera Iyo Khasaare Ka Dhashay

Amiin

Xogta Dahsoon Baaqa amni ee ay soo wada saareen Iran & UAE

Mustafe Haji

Daawo: Falanqeyn ku aadan waxa ugu wacan daldaloollada amniga Soomaaliya

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy