Borama News Network
Somali News

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Koonfur Africa Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigasi

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Africa ku sugan ayaa halkaas uga qeyb gali doona Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Africa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaarada Soomaaliya ee Koonfur Africa.

Shirka ayaa sidda uu Qorshuhu yahay waxaa uu bilaaban doonaa maanta galinka hore, iyada oo looga hadli doono arrimaha Qaxootiga Afrika iyo sida laga yeelayo.

Guddoomiye Mursal oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in kulankana uu yahay kii tobanaad,isla markaana ay uga doodi doonaan xaalada qaxootiga iyo dadka dalalkooda dib ugu soo laabanayo.

Sidoo kale ay ka hadli doonaan Arrimaha dib u heshisiinta iyo in la isku furo ganacsiga wadamada Afrika iyo kaalinta ay ka qaadan doonaan Golaha Sharci dejinta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Nin Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Masaajid Ku Yaalada Dalka Norway Iyo Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Oo Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Gudoomiyaha Haayada Xikma Foundation Oo Ka Warbixiyay Waxyaabihii Ku Cusbaa Bandhigii Borama Book Fair

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Shaacisay Cidii Fulisay Qaraxii Dawlada Xamar Iyo Cidii Fududaysay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy