Borama News Network
Somali News

Saldhig Ay Ciidamada Somaliland Ku Leeyihiin Magaalada Laascaanood Iyo Warar Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay markale ay rag hubeysan weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo socday muddo saacad ku dhow sida ay Warbaahinta u sheegeen dad ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Ila iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana la sheegay inay weerarkasi ka dambeeyay Jabhad diidan joogitaanka Ciidanka Soomaaliland Gobolka Sool ta soo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Col. Faysal Falaalug.

Habeenkii Axada ee todobaadkaan ayay aheyd markii Rag hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Jabhada Col. Faysal Falaalug ay weerareen Saldhig Ciidamada soomaaliland ku leeyihiin Buurta Sayidka ee duleedka Laas-Caanood, hayeeshee taliska Booliska Gobolkaas ay sheegeen inay qabteen rag ka mid ah raggii weerarka geystay iyo hubkooda.

Soomaaliland ayaa dagaal iyo kacdoon waxaa uu kaag furan yahay deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana xusid mudan in dhawaan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ay dhawan ku wada dagaalameen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda Korneel Caare oo dagaal kula jira Maamulkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Mamnuucay Kalfadhiyada aan Caadiga ahayn

Amiin

DAAWO: Raysal Wasaare Khyre Oo Tacsi U Diray Qoyskii Marxuun Eng Yariisaw Oo Maanta Ku Geeriyooday Dalka Qadar

Bnnstaff Bnnstaff

Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Hawlgalada Ay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Ka Wadaan Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy