Borama News Network
Somali News

Dalal Muwaadiniintooda Uga Digay In Ay U Safraan Dalka Maraykanka Sobobo La Xidhiidha Amaanka Dartood

Dalalka Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio.

Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, sababtoo ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka.

Sidaasi si la mid ah, wasaaradda arrimaha dibadda Venezuelan ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay hakiyaan socdaalka ay ku tagaan Mareykanka, sababo la xiriira naceyb iyo cunsuriyad kasoo muuqatay Mareykanka.

Dhawaan dalalka Germany, New Zealand, Canada, Ireland, China iyo Bahamas ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usoo safraan dalkaan Mareykanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Xilka Ka Qaado Maxamed Kaahin Iyo Xubno Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sheegtay In Uu Yahay Dhiiri Galiyaha Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

“Asalkiisu Waa Turkish Ayaydii Ayaa British Aheyd ” Raysal Wasaaraha UK

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy