Borama News Network
Somali News

Kooriyada Woqooyi Oo Lagu Eedeeyay Xatooyo Yaab Leh Iyo Lacag Dhan 2 Bilyan Oo Doolar Oo Lagu Eedaynayo

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhacday lacag dhan $2 bilyan oo doolar si ay ugu maalgeliso barnaamijkeeda kobcinta hubka Niyuukleerka sida lagu sheegay warbixin warbaahinta loosoo dusiyay oo ay Qaramada Midoobay diyaarisay.

Lacagtan ayaa laga dhacay internet-ka , iyada oo laa jabsaday shirkadaha maaliyadda aduunka, lacagana laga xawishay iyada oo la isticmaalayo qadka iyo burcadnimada internet-ka.

Illo wareedyo ayaa   sheegay in Qaramada Midoobay ay baaritaan ku hayso illaa 35 weerar oo burcadnimo dhanka internetka ah oo ka imanyo dhanka Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sii wadda tijaabooyinka gantaalada, iyada hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un uu sheegay in uu uga gol leeyahay in uu ugu awood sheegto Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed,
Warbixinta waxaa diyaariyay guddiga la socodka cunaqabataynta hubka ee dalkaas, waxaana lagu sheegay in dalkan uu ku xad gudbay qodobo badan oo mamnuuc ka ahaa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa warbixinta UN-ta kadib waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo dhammaan dalalka adduunka in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hor tagayaan ficilada Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xogta Dahsoon Noocyada Cadaadis ee USA saaro Dalalka Kale …

Mustafe Haji

Muuse Biixi Oo Kormeer Ku Tegay Dhismaha Biriishka Isku Xidha Borama Iyo Jaamacada Camuud Oo Uu Isagu Maal Galiyay

Bnnstaff Bnnstaff

” Kulankii Aan La Qaadaney Muuse Biixi Lagagama Hadlin Wax Siyaasad Ah .. ” Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy