Borama News Network
Somali News

Muuse Biixi Oo Siyaasadeeyay Casuumaadii Uu Boqorka Sucuudigu Ku Casuumay Gudashada Xajka Ee Sanadkan Iyo Shuruudo Uu Ku Xidhay

Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Somaliland ku dartay martida uu Boqorka Sucuudigu sanad walba ku sadaqaysto gudashada acmaasha Xajka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga ayaa uga mahadceliyay martiqaadka uu mu sharfay, isagoo sheegay inay talaabadaasi xoojinayso xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sucuudiga.

Muuse Biixi ayaa warqadda uu u diray Sucuudaga waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, islamarkaana ay isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta dalkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dalbaday in lasoo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, kaas oo loo sameynayo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho Boqorka Sucuudiga.
Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay inuusan martiqaadka Boqorka ku tagi doonin Xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday.

Boqortooyada Sicuudigu wax jawaab ah kama bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Buuraha Taariikhiga Ah Ee Laasgeel Iyo Dalxiisayaal Ku Sii Qulqulaya

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: shacabka Ku Nool Degmada Awdhiigle Oo Shaaciyay In Ay Xoriyad Dareemaan Ka Dib Markii Ay Ciidanka Xooga Dalku La Wareegeen Degmadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Masuul Ka Tirsan WADANI Saciid Sulub Oo Fidmo iyo Kala Qeybin Reer Somaliland KU Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy