Borama News Network
Somali News

Taliyayah Ciidamada Somaliland Nuux Taani Oo Miiska Saraakiisha Ku Xidhay Taliyihii Guutada 31aad Xilka Qaadisna Ugu Hanjabay

Taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa amray in xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa lagu xidho taliyihii guutada 31aad ee ciidanka qaranka oo fadhigeedu yahay gobolka Sool gaashaanle sare Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal).

Sida ay sheegeen warar rasmi ah Oo BoramaNews soo gaadhay, taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sidoo kale ugu hanjabay Gaashaanle sare Doolaal inuu xilka ka qaadi doono isla markaana amray in miiska saraakiisha lagu xidho, iyada oo wararku sheegeen inuu jiro khilaaf u dhaxeeyey labadan masuul oo mudo soo jiitamayey.

Sidoo kale waxa jirta waan waan la doonayo in layskugu soo dhaweeyo taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo gaashaanle sare Doolaal kuwaas oo ay wadaan saraakiil ka tirsan ciidanku balse aan ilaa hada wax natiijo ah laga gaadhin.

Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DEG DEG: Madaxwaynaha Dawlada Fadaraanka Somaliya Oo Ka Tanaasulay Baasaboorkiisii Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Masuuliyiin Ka Tirsam Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Diinta Iyo Awqaata

Bnnstaff Bnnstaff

Dhalinyaro Guriceel Kufsi Ka Gaystay Oo Maanta Goob Fagaare Ah Lagaga Jaray 100 Jeedal Iyo Odayaal Ka Hadlay Xukunkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy