Borama News Network
Somali News

Xaalada Deg Deg Ah Oo La Galiyay Dalka Falinbin Iyo Dad Ka Badan 600 Oo Qof Oo U Dhintay Xanuun Ka Dilaacay Dalkaasi

Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga ah.

Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishi Jannaayo ee sannadkaan ilaa bishi July la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Denga, taasoo macnaheedu noqoneyso in boqolkiiba 98 uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadki hore.
Wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ay u ogolaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in cudurka Denga uu leeyahay xumad sarreysa. Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala goys-yada jirka, matag, nabro kasoo baxa jirka, dhibaato dhanka neefta ah, dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Madaxeyne Biixi Oo Afkiisa Ka Qirtay Inuu Dhac iyo Boob Hanti Shacab Sameeyay

Amiin

Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Dayaca Ku Habsaday Goobihii Dalxiiska Ee Deleedka Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xogta Dahsoon Baaqa amni ee ay soo wada saareen Iran & UAE

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy