Borama News Network
Somali News

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dardar Galinayo Hawl Galada Ka Dhanka Ah Ururka Alshabaab

Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

War saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen in booqashada Taliyaha cusub ee Soomaaliya ay la xidhiidho dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka uu la qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo saraakiisha kale ee amaanka dowladda ayaa waxaa uu kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen AL-shabab.

Taliyaha ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo saaxiibada Soomaaliya ay cadaadis wadajir ah u saari lahaayeen Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Jeneraal Townsend ayaa ku taliyay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku hayaan Al-shabab meelaha ay hadda joogaan islamarkaana sii wadaan dagaalka ka dhanka ah.

Waxaa kale oo uu xusay in dowladda Mareykanka ay kaalinteeda ka qaadaneyso sidii dowladda Soomaaliya ciidankeeda ula wareegi lahaayeen amniga dalka amrka uu dhamaado howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabab aysan xilligan ku dhicin in ay weeraraan Mareykanka ama danahiisa kale ee caalamka laakiin ay yihiin urur Argagixiso gaar ahaanna kuwa ugu qatarta badan geeska Afrika loona

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Geelle Iyo Fariintiisa Maanta Farxada Ciida Carafa

Mustafe Haji

DAAWO: Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka UK Oo La Wareegay Xafiiska Iyo Balanqaadyo Uu Sameeyay

Mustafe Haji

DAAWO: Ciidanka Booliska Somaliland Oo Heegan La Galiyay iyo Hawlgalo Ay Ka Wadaan Awdal, Sanaag iyo Sool

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy