Borama News Network
Somali News

Midawga Yurub Oo Somaliya Ugu Deeqay Dhaqaale Wax Lagaga Qabanayo Abaaraha Soo Noqnoqda

Golaha Europe ayaa shaaca ka qaaday inay 50 million oo Euro oo dheeraad ah ugu deeqayso dadka Beeraleyda iyo Xoolaleyda ee ay Abaarta ku hayso dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.

Madaxa Kaalmadda Aadminimadda iyo Maareynta Xiisadaha ee Midowga Europe, Christos Stylianides oo u dhashay Jesiiradda Qubrus ayaa sheegay inay EU-da ku tallaabsanayso Taageeridda dadka ay waxyeelladu ka soo gaaray Abaaraha ku dhuftay Geeska Afrika.

Waxa uu sheegay inuu dhowr jeer soo booqday dalalka ku yaalla Gobalka, isla markaana uu ku soo saaray sida ay Cimilada u waxyeeleysay Geeska Afrika.

Madaxa Kaalmadda Aadminimadda iyo Maareynta Xiisadaha ee Midowga Europe waxa uu intaasi ku daray inay Kaalmadda ay bixinayaan inay kordhin doonto Taageeradda Aadminimo ee Deegaanadda ay Abaartu waxyeeleysay, isla markaana ay Bulshooyinka ka taageeri doonto khatarta Macluusha
Xirmadda Kaalmadda Cusub ee EU-da oo dhan 50 million oo EURO waxaa lagu taageeri doonaa dadka ay Abaartu saamaysay ee ku nool dalalka Somalia, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Deeqdaasi waxay dalalkaasi u kala heleen sidatan: Somalia 25 million oo Euro, Ethiopia 20 million oo EURO, Kenya 3 million oo EURO iyo Uganda 2 million oo EURO.

Lacagahaasi kaalmadda waxay si toos ah loogu caawini doonaa Kaalmadda Cuntadda degdegga, Taageerida baahida cuntada, Adeegyadda Asaasiga ee Caafimaadka iyo daaweynta carruurta ay nafaqa-darada hayso ee da’doodu ka hooseyso 5-jirka, Haweeenka Uurka leh iyo Hooyooynka naaska nuujiya carruurta iyo Nolosha Qoysaska.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo la soo dhigay Barta EU-da ayaa lagu sheegay in Deeqdan cusub ee dheeraadka ay ka dhigayso Dhaqaalaha Guud ee ay EU-da ku bixiyeen Gargaarka Aadminimadda ee Geeska Afrika ilaa 366.5 million oo EURO tan iyo sannadkii hore ee 2018-ka.

Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Deni “Waxaan heesaheeda Jeclahay Yurub Geenyo.”

Mustafe Haji

DAAWO: Ciidamadii Turkigu Uu U Soo Tobabaray Somaliya Oo Weerar Culus Ku Qaaday Alshabaab Iyo Duulaan Cusub Oo La Abaabulayo

Bnnstaff Bnnstaff

“Asalkiisu Waa Turkish Ayaydii Ayaa British Aheyd ” Raysal Wasaaraha UK

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy