Borama News Network
Somali News

Taliska Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Ka Warbixiyay Weeraro Ay Alshabaab Ku Soo Qaaday Degmada Awdhiigle Oo Dhawaan Laga Qabsaday

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaala sheegay inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab xalay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamada DANAB.

Saraakiisha hogaaminaysa Cidiamada ku sugan Awdheegle ayaa SONNA u sheegay in ay ka dileen 4 ka tirsanaa Al-Shabaab halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay kala wareegeen Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab,waxaana gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo ay Ciidamada Dowladda doonayaan inay kula wareegaan deegaano horleh.

XAfiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xuutiyiinta Oo Weerar Cirka Ah Ku Qaaday Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaala Dalka Sacuidiga

Mustafe Haji

MUQDISHO: Rag Ka Tirsan KOOXDA DAACISH Oo Maxkamada La Horkeenay

Mustafe Haji

Deg Deg :- dagaal Culus Oo U Dhexeeya Alshabaab Iyo Ciidamada Somaliya Oo Ka Socda Deegaanka Daynuunay Ee Gobolka Bay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy