Borama News Network
Somali News

Deg Deg Madaxwayne Xaaf Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Tanaasulay Ka Qayb Galka Doorashada Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda Madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin Musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug xilliggaan ay wajaheyso Xaalad adag oo u baahan in lala shaqeeyo shaqsigii loo doorto Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana aan la mucaaradin.

Waxaa uu sheegay in Mucaaradka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lugaha ku dhageen labadii Sano ee uu ahaa Madaxweynaha Galmudug isagoo sheegay in uu waxbadan ka qabtay dhanka dib u heshiisiinta.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ka mid noqon doono Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ka dib markii uu heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Muddo dheer uu khilaaf kala dhaxeeyay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

TOOS U DAAWO: Xujaajta Oo Gudanaysa Xajka …+VIDEO

Mustafe Haji

DAAWO: Siyaasi Cabdinaasir Buuni Oo Ka Hadlay Heshiiskii Sadexda Xisbi Iyo Go’aankii Ay Ka Qaateen Golaha Wakiiladu

Bnnstaff Bnnstaff

Boqortooyada Sucuudiga Oo Mar Kale Xabsiga U Taxaabtay Sheekh Salmaan Al Cawadah Iyo Sobobta Loo Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy