Borama News Network
Somali News

Madaxwayne Farmaajo Oo Eng Yariisaw Ugu Magac Daray Garoonka Kubada Cagta Ee Gobolka Banaadir

Kulan loogu duceynayo Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo ahaana Duqii magaalada Muqdisho ayaa saaka ka biloowday garoonka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sareysa dalka, xildhibaano, Wasiiro iyo Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xasuusan doonto geesinimadii Yariisow ee Adeegga bulshadda.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir loogu maga daray Cabdiraxmaan Yariisow.

“Waxaan ugu magacdarnay C/raxmaan Yariisow Garoonkan Kubadda Cagta, naftiisa ayuu u huray dalka, qofka kasta oo Halyey ah oo dalkaan wax ku kordhiya sidaas ayaa u xasuusaneynaa” ayuu yiri Wari Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Madaxwayne Sucuudigu Xajka Ma In aad Wasiiirada Isa Salaantaan Bay Kuu Geeyeen ?” Siyaasi Ramaax

Bnnstaff Bnnstaff

SULDAAN Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magalada Kismaayo Iyo Musharax Ka Digay In Dagaal Sokeeye Ka Qarxa Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Kaymaha Gobolka Sanaan Iyo Masuuliyiin Ka Warbixiyay Dabkaasi Iyo Jabhada Caare Oo Ka Qayb Qaadanaysa Daminta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy