Borama News Network
Somali News

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ahna Ku Simaha Madaxwaynaha Oo Tasci U Diray Marxuun Eng Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar Oo Itoobiya Ku Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE kU XIGEEN : 08/08/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar oo ku geeriyooday  dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay  Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan dhinaca wadooyinka oo uu marxuumku kaalin lama ilaawaana ku lahaa badiba biriishyada dalka oo uu seeska u dhigay iyo bilawgii wadada ceerigaabo oo uu gacanta ku hayey Engineerku.

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Related posts

Ansixinta Xeerka Macdanta Iyo Tamarta Oo Golaha Wakiilada Somaliland Ka …

Mustafe Haji

DAAWO Dhacdo Yaab Leh Haweenay Dalbatay In Nafta La Dhaafiyo Loona Fuliyay Dalabkeeda Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Khayre Oo Saraakiisha Wasaarada Difaaca Qatar kala Hadlay Dhismaha Ciidamada Galmudug

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy