Borama News Network
Somali News

Naadiyada Kubada Cagta Ee Somaliya Oo 29 Sano Ka Dib Ku Soo Laantay Saaxada Ciyaarada Ee Qaarada Africa

Xidhiidhka kubbadda cagta Soomaliya ayaa 29 sano kaddib marki ugu horreysay laba naadi ka qayb geliyey tartanka ciyaaraha Naadiyada Afrika.

Naadiga kubbadda cagta magaalada Muqdisho oo ka qayb qaadanayo koobka confadereeshinka Afrika waxay la ciyaarayan naadiga Maalindii ee dalka Zaanzibar.

Labada kooxood oo ciyartooda koobaad ku yeelan lahaa Soomaaliya ayaa arrima amni oo jiro awgeed u qabsoomi waayey waxaana la go’aamiyey iney labada wareegba ay ku ciyaaraan dalka Zanzibar.

Naadiga Dakadaha ee Soomaaliyana waxay sida oo kale wada ciyaarayaan naadiga Zamaaliik ee dalka Masar.

Waxayna labada wareeg ku wada ciyaarayaan dalka Masar.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu farxay iney naadiyadooda ay gaaraan heer ay ka qayb galaan ciyaaraha naadiyada Afrika.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Macalimiinta Dalka Kenya Oo Ka Dareeray Shir Uu Ka Soo Qayb Galayay Madawayne Uhuro Kenyata

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Sheekh Kenyaawi Oo Bilaabay Qaab Cusub Oo Cajiib Ah Oo Uu Ku Dhiiri Galinayo Dhalinyarada Somaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxweyne Xigeen Cabdiraxaam Aw Cali Oo Ka Hadlay Tabashada Saami Qeybsiga iyo Khilaafaadka Siyaasadeed Ee Somaliland

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy