Borama News Network
Somali News

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ay Talaabo Ka Qaadi Doonto Shirkado Ay Sheegtay In Ay Dayeceen Xujaajta Somaliyeed

Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina.

Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.

Xafiiska Wararka Borarka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Fanaanka Caanka Ah Ee Cawaale Yare Oo Hees Cajiib Ah U Qaaday Magaalada Borama

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Ergayga Qaramada Midoobay U Qaalisan Somaliya Oo Ku Soo Waajahan Magaalada Hargaysa Iyo Ujeedada Socdaalka Uu Ku Imanayo Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Madaxwayne Biixi Oo Calanka Somaliland U Qaatay Xajka Iyo Fariin Uu U Soo Diray Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy