Borama News Network
Somali News

Bandaw Dhanka Gaadiidka Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Boosaaso Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Taliska Booliska Gobolka Bari Puntland ayaa amar bandow ah kusoo rogay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howlgalla Gudaha Magaladaas.

Bandowga oo bilaabanayay xalay 12:00 Habeenimo kuna eg Maanta 10:00 Subaxnimo ayaa ka dhaqan galay Magalada,waxaana Gaadiidleyda lagu amray inaysan socon karin inta u dhaxeysa waqtiyada loo qabtay.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa ku sheegay sababta ay Gaadiidka Bandowga ugu soo rogeen sugida dhinaca Amniga,isla markaana la filayo inay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in la joojiyay in Salaada Ciida Maanta lagu dukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray,isaga oo sheegay in Goobo kale loo diyaariyay Dadweynaha.

Si kastaba Amarkaan kasoo baxay taliska Booliska Gibolka Bari ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay falal amni darro ka dhacayeen Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Asalkiisu Waa Turkish Ayaydii Ayaa British Aheyd ” Raysal Wasaaraha UK

Mustafe Haji

Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada MunaasibadaDabaal Dega 100 Jirka Borama Oo Ka Warbixiyay Habsami U Socodka Dabaal Dega

Bnnstaff Bnnstaff

Digniin Loo Direy Dalxiisayaasha U Tamashleyntaga Xeebta Bada Berbera

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy