Borama News Network
Somali News

Madaxwaynihii Hore Ee Somali State Cabdi Ilay Oo Dambiyo Cusub Lagu Soo Oogayo Iyo Siday Wax U Jiraan

33033Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa diyaarinaysa dacwad ka dhan ah madaxwaynihii hore ee deegaanka soomalida cabdi maxamuud cumar ( Iley ).

Dacwadan ay diyaarinayso xukuumadda deegaanka Soomaalida ayaa ah, dambiyo kala duwan oo isugu jira, Xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay deegaanka, jidh dilkii loo gaysday kumanaan maxbuus oo ku xidhnaan jiray jeelasha deegaanka gaar ahaan jeelkii la odhan jiray jeel ogaadeen, kaasi oo ay ka dhacday jeelkaasi dil, jidh dil, kufsi iyo falal ka dhan ah bini-aadannimada, Iyadoona ay hay’adaha u dooda xuquuqul iinsaanka mudadii uu haystay cabdi maxamuud cumar deegaanka sida fiinta uga qaylyeen xad gudub yadii iyo gabood falyadii aan loo aabo yeelin ee qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka lagula kacay.

Dacwadaasi ayaa waxaa gacanta ku haya hadda xeer ilaalinta guud ee DDS, waxaana la filayaa in dhawaan loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee heer qaran, si dacwadahan ay qayb uga noqdaan kiiska lagu eedaynayo madaxwaynihii hore ee deegaanka.

Waxaa xusid mudan in dacwada iyo kiiska lagu soo oogay madaxwaynihii hore ilaa iyo imika ay yihiin kaliya dhacdadii ka dhacday deegaanka 4tii August 2018, Iyadoo wakhti xaadirkan xukuumadda deegaanku ku soo oogayso dambiyo kala duwan oo ka dhacay deegaanka oo lagu eedaynayo in uu masuuliyadeeda isagu lahaa cabdi maxamuud cumar.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Duqaymo Diyaaradeed Oo Laga Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Xubno Badan Oo Alshabaab Ah Oo Lagu Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Mooshinka Ay Laaleen Golaha Wakiilada Iskana Difaacay Eedaymo Ugu Yimid Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy