Borama News Network
Somali News

Jahwareer iyo Qalalaase Ka Taagan Kashmiir Iyo Hawlgalo Milatari Oo Ka Socda Gobolkaasi

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa howlgallo kale oomilitari kusoo roggay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa, ciidammo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar. Waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

Weriye BBC ka tirsan ayaa kusoo warramaya in in misaajiddada waaweyn ee ku yaalla Kashmiir lagu wado in la xiro maadama dadka loo ogolyahay inay ku tukadaan misaajaddada kale ee ku yaalla xaafadaha.

Kumanaan kamid ah ciidammada militariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Diyaarada Aanay Raadaaradu Qaban Karin Iyo Dalalka Lagu Farsameeyo Diyaaradahaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG Natiijada Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliand Oo Lagu Dhawaaqay

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Ururka Suxufiyiinta Somaliland Iyo Haayadaha U Dooda Xuquuqul Insaanka Oo Cambeereeyay Xadhiga Wariyayaasha Ee Xukuumada Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy