Borama News Network
Somali News

Loolan Xoogan Oo Loogu Jiro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Masuuliyiinta Loolanka Ku Jira

Tartan xoog leh ayaa loogu jiraa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ah hal kursi oo bannaan, kaddib geeridii Allaha u naxariistee C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo horaantii bishan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo xafiiskiisa lagula eegtay.

Hadal heyn badan ayaa suuqa ku jirta oo ku saabsan suura galnimada in xilkan bannaan in si degdeg loo magacaabo, marka loo eego xaalado ka jira Gobolka Banaadir iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan rag siyaasiyiin ah oo ku aadan arrinta maqaamka Caasimadda.

Durba waxaa suuqa soo galay shaqsiyaad dhowr ah oo tartan ugu jira xilkan, waxaana shaqsiyaadka isugu jiraa kuwo ku dhow Xafiisyada ugu sareysa dalka iyo kuwa ay taageerayaan dhaqanka Beesha Muddullood.

Waxaa dhici karta in todobaadkan ama horaanta todobaadka soo socda ugu dambeyn la magacaabo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada.

Illaa saddex koox ayay isugu jiraan shaqsiyaadka raadinaya, kuwaasoo koox walba taageero kala duwan ka heleyso, haddii ay tahay siyaasiyiin, dhaqan iyo Madaxda sareba.

Ragga ugu cad cad ee la hadal haayo inay xusul duub ugu jiraan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Avv. Cumar Dhageey oo xilligan ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Cumar Qaanso oo horay u soo noqday Guddoomiye degmo, Agaasime Cali Gacal oo la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo Duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiin Beesha ah, Axmed Washington oo ah Maareeyaha Dekeda Muqdisho oo isna taageero ka helaya shaqsiyaad ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo horay dadaal ugu jiray in xilkaan loo magacaabo sanad ka hor, balse ku guuldareystay.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa Yuusuf Jaalle oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo, horayna u ahaa Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan.

Inkastoo dhammaan shaqsiyaadkan ay ka soo jeedaan Beesha Muddullood, hadana waxaa xusid mudan inay sugayaan saxiixa kaliya ee Madaxweynaha oo magacaabi doono ninka noqon doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya inay ku xidhan tahay shaqsiga loo xusho awood ahaan taageerada uu beesha ku dhex leeyahay iyo sida Madaxweynaha ugu kalsoonaan karo.

Xafiiska Wararka Boramews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Gudoomiye Ciro Oo Ku Soo Laabtay Hargaysa Fariina U Diray Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

Xubno Ka Tirsanaa Ururka Alshabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Somaliland Looga Baqi Maayo Caarre Iyo Habaryoonis Ee Muuse Ayaa Looga Baqayaa” Cod Sir Ah Oo Fashiliyay Siro Waaway Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy