Borama News Network
Somali News

Sucuudiga Oo Ka Muquurtay Waxa Ka Dhacay Yemen Iyo Ciidankii Imaaraadku Tababara Ee Qabsaday Cadan

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Axmed Al-Mayssar ayaa ku eedeeyay boqortooyada Sucuudiga iyo madaxweynaha Yemen C/rabi Mansuur Haadi, inay ka aamuseen dagaaladii ka socday Magaaladda Cadan 4tii Maalmood ee la soo dhaafay.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ugu hambalyeeyay Imaraadka Carabta guusha ay ka gaareen magaaladda Cadan oo gacanta u gashay Maleeshiyaadka Gooni goosadka koonfurta Yemen oo la wareegay dhammaan Hay’adihii dowladda iyo Dekeda weyn ee Cadan.

Wuxuu sheegay in 400 baabuur oo kuwa gaashaaman oo Imaraadku lahaa lagu soo weeraray ciidamada daacada u ahaa dowladda Yemen.

Dhinaca kale, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa magaalada Riyaad kula kulmay madaxweyne Yemen Cabdirabi Mansuur, Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladaha u dambeeyay ee ka taagan magaaladda Cadan, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA.

Imaraadka Carabta oo qayb ka ahaa isbahaysiga Sucuudiga ee dagaalka Yemen ayaa la aamisan yahay inuu tababaray oo hubeeyay Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay 90 kun, Maleeshiyaadkan ayaa u badnaa kooxaha gooni goosadka ee doonaya inay dib u soo celiyee dowladii Yementa Koonfureed ee la midoowday Waqooyi Yemen 1990kii.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waddadan Maxay Ku Gashay Diiwaanka Dhacdooyinka Adduunka!!! +VIDEO

Mustafe Haji

Masuuliyiinta Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Xujayda Somaliyeed Ku Soo Dhaweeyay Dalka Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Fanaanka Cawaale Adan Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Borama

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy