Borama News Network
Somali News

Ciraaq oo ka Hor Timid Qorshaha Mareykanka ee Marinka Hormuz..

Dowladda Ciraaq ayaa ka hor timid in Israel ay qayb ka noqoto isbahaysiga ciidamada badda ee uu Mareykanku doonayo in uu ka hirgaliyo marinka Hormuz.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ciraaq Mohammed Ali al-Hakim ayaa sheegay in dowladda ciraaq ay diidan tahay in xoog loo adeegsado dajinta xiisada marinka Hormuz taas oo u dhaxayso dowladdaha Mareykanka iyo Iran.  

“Inaga dhexdeena ayaa bad baadin karno maraakiibta adeegsata marinka muhiimka ah ee Hormuz” ayuu hadalkiisa raaciyay” Wasiirka arimaha dibadda ee Ciraaq Mohammed Ali al-Hakim.

Xiisada gacanka ayaa sara u kacday bilihii lasoo dhaafay kadib ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iran ay soo rideen diyaarad daroon ah oo ay lahayd dowladda Mareykanka. 

Washington iyo xulafadeeda carabta ayaa Iran ku eedeeyay weeraro lagu qaaday maraakiib ku socdaalayay marinka Hormuz balse Tehran ayaa iska diiday eedeemahas

Related posts

DAAWO Milatariga Oo Sheegay Iney 60 Alshabaab Ah Dileen 50 Kalena Dhaawacoogii la ….

Mustafe Haji

DAAWO: Qaabka madaxwayne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Nuucyada Hubka Ee Ay Haystaan Dalalka Ka Soo Horjeeda Dalka Maraykanka Iyo Loolanka Hubka Ee Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy