Borama News Network
Somali News

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirada Soomaaliya Oo Ku Kulmay Sucuudiga .. +VIDEO

-

Madaxaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Mina ee dalka Sacuudiga waxa uu kula kulmay xubno ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya

Xubnahan uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ahaa xubno wasiirro ah ayaa kala ahaa, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud

Kulanka masuuliyiintan oo ahaa mid kedis ah oo aan horay loo sii qorshaynin ayaa waxa ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankooda

Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha wasiirrada iyo qaar kale ayaa magaalada Mina u jooga gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan waxaana uu ahaa kulankoodii ugu horeeyay ee ay kulmaan.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

Related posts

Cabikariin Axmed Mooge: “Ree Boramow Isku Tashta cidkasta idinka ka adag” + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO WARBIXINO XIISO LEH : Faah Faahinta Qaraxii Ismiidaminta Ee Ka Dhacay Xarunta Dawlada Hoose ee Xamar Iyo Wararkale

Mustafe Haji

Ciidamada Boliska Ee Dalka Ruushka Oo Xabsiga Ku Guray Boqolaal Qof Oo Banaanbax Samaynayay Daawo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy