Borama News Network
Somali News

Xuutiyiinta Oo Weerar Cirka Ah Ku Qaaday Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaala Dalka Sacuidiga

-

Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga weli kama hadlin weerarkan, islamarkaana saraakiisha Sacuudiga ayaan si deg deg ah jawaab looga heli karin.

Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Ayaga oo taas ka jawaabaya, ayaa isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen waxay beegsadeen goobo militari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca.

Weeraradan ayaa sii adkaynaya dadaallada nabadeed ee QM ay hoggaamineyso.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer galbeedka, ayaa faro-geliyey Yemen sanaddii 2015, si ay isugu dayaan inay xukunka kusoo celiyaan dowladda Yemen oo xukunka Sanca ay ka tuureen Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, wuxuuna malaayiin reer Yemen ah qarka u saaray macluul.

Voa

Related posts

Afar Qof oo Ku Dhaawacmay Mudaharaadyo Maanta Ka Socday Laascaanood

Mustafe Haji

DAAWO: Xiisada Ka Taagan Marin Biyoodka Hurmus Iyo Dawlada Iraan Oo Tijaabisay Gantaal Cusub Oo Cabsi Galiyay Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadashay Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland Ee Maanta Fariina U Dirtay Madaxwayne Deni

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy