Borama News Network
Somali News

Shirkada Facebook Oo Bilawday Dhageysiga Codadka Ay Isku Duubaan Macaamiisheedu

-

Shirkadda Facebook ayaa shaqaalaysiisey boqolaal qandaraas layaal ah si ay u dhegaystaan wada sheekaysiyada codka ah ee ay adeegsadeen macaamiisha shirkaddaasi sida ay werisey warbaahinta Maraykanku.

Qandaraaslayaashu waxay tijaabinayeen awoodda sirdoonka macmalka ee shabakada bulshada si ay u tarjumaan farriimaha iyo kuwa kale ee adeegsadayaashu ay ku sameeyeen App-ka Messenger ee Facebook kuwaas oo qoraalka ka doorbida codad isdhaafsiga.

Facebook ayaa la sheegay inay aad u adkaysay macluumaadka dadka isticmaala shirkadaasi, waxaana ay garawsatay warbixin ay horay u soo gudbisey Bloomberg oo u sheegtay wakaaladda wararka warbixin qoraal ah oo ay ku sheegtay in lagu sameeyay dadka adeegsada shirkaddaan inkastoo ugu dambayn la joojiyey tijaabadaasi.

“Sida Apple iyo Google, waxaan joojiney fiirinta aadanaha ee maqalka wax ka badan toddobaad ka hor,” ayey tiri shirkadda Facebook oo aan ka jawaabin falcelin kaga timid wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

Related posts

DAAWO: Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Alshabaab Kala Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Awdhiigle Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO Qirashada Ragii Diley Ee Kufsaday Ee jarjaray Caasha Oo Qirtid

Mustafe Haji

DEG DEG: Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Oo Bulshadooda Ugu Baaqay In Ayna Doorasha Ka Soo Qayb Galin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy