Borama News Network
Somali News

Soomaaliya iyo Kenya Oo isku Arki Doono Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Cecafa)

Xulalka qaranka Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku arki doono koobka Golaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Cecafa) oo sanadkan lagu qabanayo dalka Eritrea.

Hardanka loogu jiro ku guulaysiga koobkan oo bilaan doona jimcaha soo aadan ayaa Group’ka ‘A’ waxaa iski arki doona wadamada dariska ah balse bilihii ugu danbeeyayna ku kala tagsanaa siyaasadda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Group’ka ‘A’ sidoo kale waxaa Soomaaliya ku wehliya martil galiyaasha Eritrea iyo Brundi.

Group’ka ‘B’ isla koobkan ayaa waxaa fooda isgali doona xulalka qaranka Uganda, Rwanda, Ethiopia, iyo Suudaanta Koonfureed.

Halka Group ‘C’ ee koobka Golaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ay ku jiraan xulalka qaranka Tansania, Sudan, iyo DJibouti.

Ugu danbayn koobkan ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 1’da bisha soo aadan ee September markaas oo lagu wado in la dheelo kulan kaba dambaysta ee koobka Golaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Cecafa) oo lagu qabanayo dalka Eriteria.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

Related posts

Kenya Oo Ku Dhawaaqday in ay Heegan Galisay Ciidamada ku Sugan Xadka Soomaaliya

Mustafe Haji

DAAWO: Alshabaab Oo Dil Tuugasho Ah Ku Fulisay Nin Lagu Soo Eedeeyay In Uu Sixiroole Ahaa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Falan Qayn Xoogan Ku Sameeyay Arimaha Saamiqaybsiga Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy