Borama News Network
Somali News

WAR DEG DEG AH: Afhayeenka Al-Shabaab Oo La Sheegay Inuu Dhaawac Halis Ahi Ka Soo Gaadhay Weerar Lagu Qaaday

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raaage Cali dheere uu ku dhaawacmay howlgal dhawaan ka dhacay Degaanka Shaam oo hoostaga Degmada Aawdheele, waxaana howlgalkan fuliyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Dhawaaca Cali dheere Afhayeenka Al-shabaab ayaa ah mid culus waxaana lagu hayaa degaan hoosyimaada Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha hoose, sida ay Idaacadda ciidamada qalabka sida u sheegeen saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ilo madax banana ayaa sheegay in weerarkaasi sidoo kale lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, mana jiraan Faahfaahin intaasi ka dheer oo laga hayo.

Dhanka Kale Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ku aadan in dagaal lagu dhaawacay Afhayeenka Al-Shabaab

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

Related posts

Khilaafka Wasiirka Iyo Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Somaliland !!!

Mustafe Haji

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Raali Galin ka Kixiye Hadal ay Dhibsadeen Qaar ka Mid ah Ganacsata

Amiin

Kooxda Madasha Wada-tashiga Ee Somaliland Oo Maxay Ku Deedanyihiin Inuu Furmo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy