Borama News Network
Somali News

Xiisad Dagaal Oo Hubka La Isku Urur Sanayo Oo KaTaagan Ceel Afwayn Iyo Cabsi Soo Food Saartay Shacabka

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba Maalin ka hor maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Goob kaalin shidaal lagu iibiyo ah,isla markaana rasaastas ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo Afar ka mid ah ay haween ahaayeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sheegay in maleeshiyaadka kasoo kala jeeda dadkii la dilay iyo kuwii ka dambeeyay dilkooda ay isku hub aruursanayaan lagana cabsi qabo inay dagaalamaan.

Deegaanka Ceel-Afweyn ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland, hayeeshee dhowr mar ay ku fashilmeen inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyada oo wada dagaalamay.

Dadka deegaanka Ceel-Afweyn qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi dagaal, isla markaana Goobaha qaar ee ganacsiga ay xiran yihiin.

Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay sheegay in la qabtay qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkaas oo sababay xiisada Maanta ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn.

Xafiika Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Putland Oo Ka Soo Horjeesatay Gudiga Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Amiin

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Gaabsaday In Uu Ka Hadlo Ciidamadi Ka Goostay Somaliland Fariina U Diray Warbaahinta

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Somaliland Oo Qof Shacab Ah Ku Toogtay Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy