Borama News Network
Somali News

Ganacsato Somaliyeed Oo Dhac,Boob Iyo Bililiqo Loogu Gaystay Dalka Koonfur Africa

Kooxo Burcad Koonfur Afrikana ah ayaa boob kula kacay Ganacsiyo oo qaarkood ay Soomaali leeyihiin oo ku yaalla deegaanka lagu Magacaabo Soweto ee magaalada Johannesburgee dalkaasi Konfur Afrika

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay in boobkaasi uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka taas oo keentay in ku dhowaad boqol dukaan la boobo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Soomaali iyo Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas ka dhacay eegaanka lagu Magacaabo Soweto ee magaalada Johannesburgee dalkaasi Konfur Afrika.

‘’Waxaa bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay deegaankaa, iyaga oo aan kala sooceyn ganacsiyada,waana dhibaato cusub oo soo wajahday Gnacsatada Ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas”.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan ku leh, waxaana inta badan ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira, dil, hanjabaad iyo in si barer ah loo boobo Hantida, iyada oo dhibaatooyinkaas ay kordheen sanadkaan 2019.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Ku Dhawaaqay Xiliga La Qabanayo Shirka Gulaha Dhexe Iyo Goobta Lagu Qaban Doono Shirkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Sucuudigu Xajka Ma In aad Wasiiirada Isa Salaantaan Bay Kuu Geeyeen ?” Siyaasi Ramaax

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Khilaafka Ahlu Suna Iyo Dawlada Fadaraalka Oo Sii Xoogaystay Iyo Diyaarada Laga Celiyay Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy