Borama News Network
Somali News

Kooxda Macawislayda Oo Dagaal Xoogan La Gashay Ururka Alshabaab Iyo Khasaare Ay Sheegeen In Ay Gaadhsiiyeen Alshabaab

Wararka Aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in saqdii dhexe ee xalay ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dadka deegaanka. Gaar ahaana jabhada macawislayda 

Abaaro 10:00 habeenimo ee xalay ayaa dad is abaabulay oo la magac baxay Macawuusley ay weerar ku qaadeen fariisin dagaalamayaasha Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Luuq-Jeelow halkaas oo uu ka dhacay dagaal qadhaadh.
Mid ka mid ah kooxda Macawisleyda  ayaa sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen isla markaana ay Shababaab ka dileen 7 ka mid ah dagaal yahanadoodii halkaas ku sugnaa.

Dhinacadooda ayuu tilmaamay in uu jiro dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale waxaana uu sheegay in ay dib ugu soo laabteen deegaankii ay weerarka ka qaadeen.

Dhowr jeer ayay sidaan oo kale Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo la magac baxay Macawisley waxa ay ku dagaalameen deegaano ka tirsan gobolka Hiiran iyaga oo gacan ka helayo ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DEG DEG: Madaxwaynaha Dawlada Fadaraanka Somaliya Oo Ka Tanaasulay Baasaboorkiisii Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Nin Qaba Cudurka AIDS-ka Oo Xoog Laga Saaray Isbitaal Uu Tegay

Bnnstaff Bnnstaff

Murashaxiinta Doorashada Maamulka Jubaland Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Doorashada Iyo Kulamo Xasaasiya Oo Kismaayo Ka Socda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy