Borama News Network
Somali News

Madaxwane Trump:- Waa In Aan Kulan Gaar Ah La Yeeshaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inuu la qaato kulan ay kaga hadlayaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Hong Kong.

Qoraal uu barta Twitter-ka uu soo geliyay Trump, waxaa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay madaxweyne Xi marka ay timaaddo xal u helidda rabshaha sare u kacay kaddib markii ay dibadbaxyo ballaraan halkaas ka dhigeen dadweynaha reer Hong Kong ee dimuqraadiyadda u ololeynaya.

Waxaa uu yiri “Waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha”.

Waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Xi Jinping uu yahay hoggaamiye wanaagsan oo ay si weyn dadkiisa u qaddariyaan.
Donald Trump ayaa waxaa uu ka codsaday dhiggiisa Shiinaha inay yeeshaan kulan gaar ah oo looga arrinsanayo dhibaatooyinka ka taagan Hong Kong
Hadalka Madaxweyne Trump ayaa imaanaya, toddobaadyo uun kaddib markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Hong Kong, waxaa ay rabshadahaas horseedeen in la hakiyo duulimaadyadii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Hong Kong.

Dowladda Shiinaha waxay si weyn u cambaareysay dadkii dibadbaxa dhigayay oo ay ku tilmaantay ‘Dad argagixiso u dhaw”.

Dhanka kale,la taliyaha madaxweynaha Mareykanka arrimaha ammaanka, John Bolton, waxaa uu uga baaqay Shiinaha in xaaladda uu si taxaddar leh uu ula tacaalo.

Waxaa uu sheegay in howlgalkii militari ee Shiinaha ee ka dhanka ahaa ardeydii bannaanbaxyada dhigeysay sannadkii 1989-kii ay aheyd “Khalad weyn”.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiintii Qaraxa Ku Dhaawacmay Oo Dalka Dibadiisa Loo Qaaday Maanta

Mustafe Haji

DAAWO: Xildhibaan Indho Indho Oo Soo Dhaweeyay Hadalkii Nabada Ee Ka Soo Yeedhay Madaxwayne Deni

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO Qirashada Ragii Diley Ee Kufsaday Ee jarjaray Caasha Oo Qirtid

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy