Borama News Network
Somali News

Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Hawlgalada Ay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Ka Wadaan Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ay saaka hakaasi ka wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan in ay gaaraan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Dadka shacabka ah ee nool deegaanka Tooratoow iyo deegaanada hoos yimaada ayaa sheegay in ay ka Cabsi qabaan dagaalo ka dhaca tuulooyinka ay ku nool yihiin maadaama ay halkaasi ka socdaan dhaq dhaqaayo ciidan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo maalin ka hor Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar qaraxyo ku bilowday.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in badi dadka ku nool deegaanada hoos yimaada Awdhiigle ay bilaabeen barakac, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo Alshabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Ururka ONLF Iyo Maamulka Somali State Oo Kala Sexeeday Heshiis Iyo Nuuca Uu Yahay Heshiiskaasi

Bnnstaff Bnnstaff

TOOS U DAAWO: Xujaajta Oo Gudanaysa Xajka …+VIDEO

Mustafe Haji

“Barbari Maanta Sodoh Noqon Mayso” Suldaan Maxamuud Axmed Shiikh Oo Si Adag Uga Hadlay Saami Qaybsiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy