Borama News Network
Somali News

Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Doorashada Maamulka Jabaland

War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka oo shalay tagay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay walaac kaga muujiyeen Doorashada Jubbaland

Xubnahan kasocday Beesha Calamka ee uu ka mid ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr James Swan,Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa shalay kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharaxiinta Mucaaradka ah,Guddiga Doorashooyinka Jubbaland iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo halkaa uga dhagaystay fikradahooda

Qoraalkan oo ay si wadajir ah ay usoo saareen Wakiillada ka socda AU,IGAD iyo UN ayaa waxa ay ku xoojinayaan baahida loo qabo in ay dhacdo Doorasho loo dhan yahay oo ku dhac jawi nabad ah

Waxa ay Beesha Caalamku ugu baaqeen dhinacyada isku haya Jubbaland in ay ka fogaadaan waxyaabaha Amni darrada horseedi kara ama Doorashada Carqalayn kara iyo in ay khilaafkooda ku dhameeyaan miiska wada hadalka

Ugu dambayn Beesha Caalamku waxa ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan dadaallada ay ku doonayaan xalka Jubbaland

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Reer Burco Iyo Dareenkooga Shirka WADANI Shaaciyay Inuu Ku Qabsanayo Degmadaasi

Mustafe Haji

DAAWO: Dhalimyarada Gobolada Somaliland Ee Ka Soo Qayb Gashay Bandhiga Buugaagta Ee Borama Book Fair Oo Ka Dareen Celiyay Bandhiga Borama Book Fair

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Degmo Ay Maamusho Somaliland Iyo Magaca Degmadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy