Borama News Network
Somali News

Duqaymo Diyaaradeed Oo Laga Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Xubno Badan Oo Alshabaab Ah Oo Lagu Laayay

Duqeyntan ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka Marekanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka,isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana lagu gaadhsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

[AKHRISO] Xog Hor Dhac Ah Oo Laga Helay Cidii Fulisay Qaraxii Muqdisho Iyo Qaabkii Loo Fuliyay Qaraxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Nashqadaynta Magaalada Laascanood oo Meel Fiican Maraysa

Mustafe Haji

Hoobiyayaal Maanta Lagu Garaacay Qaybo Ka Mid Ah Xaafadaha Mudisho Iyo Agagaarka Madaxtooyada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy