Borama News Network
Somali News

Gudiga Qabanqaabada Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Galmudug Oo Ka Warbixiyay U Diyaar Galawga Shirkaasi

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa sheegay in Guddigooda ay diyaariyeen dhamaan waxyaabihii muhiimka u ahaa qabsoomida shirkaas.

Waxaa uu sheegay in dhinacyada,hoolka shirka, Agabka la isticmaalayo, iyo amniga intaba la diyaariyay,isla markaana kaliya ay harsan tahay in shirkaasi uu qabsoomo 17 Bishaan oo ku beegan Berri oo Sabti ah.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhamaan ay soo gaareen liiska ergada Beelaha dega deegaannada Galmudug uga qyeb galaya Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, hayeeshee kaliya ay harsan tahay in dadkaasi la soo daabulo lana keeno magalada Dhuusamareeb.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa kusoo aadaya xilli shalay mid ka mid ah Beelaha dega Galmudug ay dalbadeen in shirka dib loo dhigo ilaa inta uu ka dhamaanayo shir uga socdo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

“Somaliland Waxay Noqonaysaa Isaaq Land Hadii Aan Si Sax Ah Wax Loowada Qaybsan Bari Iyo Galbeedna Way Ka Tashanayaan ” Boqorka Beelaha Gabooye

Bnnstaff Bnnstaff

Ahlu Suna Oo Shiki Ka Muujisay Heshiiska Ay Dawlada Fadaraalku Ka Wada Maamulka Galmudug

Bnnstaff Bnnstaff

” Kulmiye Wuu Ku Guulaystay In Uu Burburiyo Heshiiskii Xisbiyada ” Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Ucid Iyo Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy