Borama News Network
Somali News

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo Amar Duldhigay Golaha Wasiirada Iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo saaray amar la xidhiidha amniga, kadib markii uu guuddoomiyey shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Puntland.

Deni ayaa faray dhammaan golaha wasiirada, saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulkaasi in muhiimada 1-aad la siiyo sugida amniga.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay diirada saari doonto ka shaqeynta amniga, si loo helo nabad geylyada waarta.

‘’Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhammaan golaha wasiirada, saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kale heer gobol iyo heer degmo in muhiimada koowaad la siiyo ka wada shaqeynta amniga oo ah yoolka koowaad ee maamulka.’’ ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn Deni ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Related posts

Ciidanka Amisom Oo Sheegay In Lix Ka Mid Ah Ciidamadooda Dhawaan Lagu Dilay Gudaha Dalka Somaliya..

Mustafe Haji

DAAWO: Toogasho Mar Kale Ka Dhacday Gudaha Maraykanka Iyo Dad Gaadhaya 9 Qof Oo Ku Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya Oo Hargaysa Kulan Kula Qaatay Madaxwayne Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy