Borama News Network
Somali News

Deg Deg :- dagaal Culus Oo U Dhexeeya Alshabaab Iyo Ciidamada Somaliya Oo Ka Socda Deegaanka Daynuunay Ee Gobolka Bay

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Daynuunay.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana ay sheegeen in hadda u socdo dagaal xooggan oo ay kula jiraan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe dib looga saaray degaankaasi.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab.

Weerarkan, ayaa noqonaya midkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku soo qaadaan Daynuunay billihii ugu dambeeyay.

Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

Related posts

Dood Kulul Oo Ku Saabsan Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug Nabadoon Xaad Iyo Nabadoon Ciise

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaata Boqortooyada Sucuudiga Oo Raali Galin Ka Bixiyay Haweenay Fagaare Ku Dhunkatay

Bnnstaff Bnnstaff

Banaan Baxa Balaahan Oo Lagaga Soo Horjeedo Maamulka Puntlan Oo Ka Dhacay Gobobka Bari Ee Puntland + SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy