Borama News Network
Somali News

Nin Ganacsade Caan Ah Ku Dilay Magaalada Qardho Oo Laga Soo Qabtay Dalka Yeman

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye uu ku guuleystay soo qabashada nin ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure oo 20-July-2019 lagu dilay magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Maamulka Puntland ayaa xalay lagu wareejiyay ninkaasi, waxaana Dekedda Boosaaso kasoo dejiyay Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dadaal ugu jirtay soo qabashadda Ninkaasi maalmihii ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiinta Safaaradda ayaa waxaa kala wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale.

Puntland ayaa sheegtay in ay Safaaradda uga mahadcelinayso sidda ay gacanta ugu soo dhigtay ninkaasi oo ka baxsaday Magaalada Qardho markii uu ku dilay Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Furitaanka Kalfadhiga Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaqday Iyo Gudoomiye Saleebaan Oo Ka Hadalay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Diyaarada La Soo Raacay Shacabka Iyo Is Xogwaraysi Uu Diyaarada Kula Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

Falanqayn:- Saamayn Intee Le eg Ayaa Ka Dhalan Karta Hadii Ay Golaha Wakiiladu Diidaan Ansixinta Heshiiska Ay Xisbiyada Gaadheen + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy