Borama News Network
Somali News

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshad Shidaal Oo Ku Taala Gudaha Sucuudiga

Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ayaa lagu qaaday warshadda soo saarta shidaalka ee dowladda Sucuudiga, taas oo lagu magacaabo Sheybah, sida ay sheegtay waaxda Aramco.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadaas ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka amaanka ay ka hortageen diyaarada weerarkaas loo adeegsaday, iyadoo aysan jirin wax yeelo ka dhalatay.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay sheegay in 10 diyaaradood ay ku weerareen ceelka shidaalka ee Shaybah ee Sucuudi Carabiya.

Xuutiyiinta ayaa dhanka kale sheegay in weerarkaas uu yahay kii ugu xooganaay oo ay ku qaadaan gudaha dalka Sucuudiga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Madaxwayne Cigaal Nabada Lacag Buu Siisan Jiray Nuux Taani Raali Galin Ha Bixiyo” Siyaasi Maxamed Siciid

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Saami Qaybsiga Madaxwayne Biixina Ugu Baaqay In Uu Cafiyo Kornayl Caare

Bnnstaff Bnnstaff

“Cidna Cid Kama Awood Wayno” Axmed Madoobe Oo U Hanjabay Dawlada Fadaraalka Somaliya + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy