Borama News Network
Somali News

Deg Deg: Shabaab Oo Weer Ku Qaaday Saldhiga Ciidamada Somaliya Ee Bariire Iyo Iyo Ciidamada Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhiftay Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo Weerar Qorshaysan kusoo qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose oo dhowaan laga saaray.

General Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dawladdu ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo tiradoodu kor u dhaafeyso 20 ruux, Kadib markii ay isku dayeen in ay weeraraan saldhig ciidanku ku leeyihiin halkaas.

Ciidamada Dawladda ayaa dhowaan sidan oo kale isaga difaacay Weerar Alshabaab ka gaysan lahayd Deegaanka Awdheegle, Iyadoo maxaabiis badan looga Qabtay, Wuxuuna taliyaha tilmaamay in hada Maleeshiyaadka ka tirsan Alshabaab isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Saldhig ciidanku ku lahaayeen duleedka Bariire.

Isbadalka dhab ah ayaa laga dareemay Mudooyinkii dambe Ciidamada Xooga gaar ahaan Kumaandoosta, Kuwaasi oo muujiyey inay Awood u leeyihiin inay Fuliyaan Howlgalo ay Qaban kari waayeen 20-kun oo kamid ah ciidamada AMISOM.

Soomaaliya Soomaali baa leh , Iyadaa difaacan ama dayici.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaarihii Hore Somaliya Ee Dawladii Sheekh Shariif Oo Ku Baaqay In Wada Hadal Toos Ah Lala Galo Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

BURCO: Nin Magtiisi La Kala Qaatay 24 Sano Kadib !!

Amiin

Fanaan Cimcaan Hilaac Oo Ka Hadlay Bandhig Faneedkii Uu Ka Qabtay Magaalada Jigjiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy