Borama News Network
Somali News

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen + SAWIRO

Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa Maanta waxaa uu wadahadallo miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood,waxaana ay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya,waxaana gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo la Magac baxay Hiil Walaal,isla markaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab.

 

Related posts

Raysal Wasaare Xasan Cali Khyre Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo + SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo Lagu Aasayo Tuuladii Uu Ku Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Lugta Dul Saartay Miis U Dhexeeyay Isaga Iyo Madaxwaynaha Dalka Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy