Borama News Network
Somali News

Shacabka Dalka Suudaan Oo Ka Dareen Celiyay Madaxkamada La Soo Taagay Madaxwayne Cumar Xasan Al Bashiir

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir ayaa Isniintii shalay ka soo muuqday Maxkamad si uu u wajaho eedo dhinaca musuqa ah, afar bilood ka dib markii miltariga dalkaasi ay xukunka xoog uga rideen.

Bashir, oo dalkaasi oo xukumayay muddo 30 sanadood ah ayaa ku eedeysay inuu si sharci darra ah u heystay lacag qalaad iyo inuu hadiyado ku helay si sharci darro ah.

Sida uu sheegay dambi baare maxkamadda ka hor hadlay, al-Bashiir ayaa u sheegay baarayaasha in malaayiin dollar oo kaash ah uu ka helay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Khartoum ayaan la dhicin maxkamadeynta Al-Bashiir iyagoo ku tilmaamay mid aan ku fileyn oo soo daahday.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee(ICC) ayaa ku eedeysay al-Bashiir dambiyo dagaal, kuwo ka dhan ah bani aadnimada iyo xasuuq uu ka geystay gobolka Darfuur.

Bishii may, ayaa sidoo kale Bashir lagu eedeeyay inuu rabshado kiciyay kuwaa oo lagu dilay dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeestay xukunkiisa.

Al-Bashiir oo 75 sana jir ah oo ku labisnaa qamiis cad, ayaa daawanayay maxkamadeyntiisa, isagoo ku jiray meel lagu xeyndaabay maxkamadda dhexdeeda.

Mid ka mid ah qareenada difaacaya, Ahmed Ibrahim al-Tahir, ayaa u sheegay VOAda inuu ku kalsoonyahay in madaxweynihii hore uu ka adkaan doono eedahan la xiriira musuqmaasuqa.

Xafiiska WWararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

HARGEYSA: Afar Wariye Oo Shalay Xabsiga La Dhigey Oo La Sii Daayay Kana Waramay Waxa Lagu Eedeeyay .. +VIDEO

Mustafe Haji

Deg Deg: Laamaha Amniga Somaliya Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Labo Qof Oo Lala Xidhiidhinayo Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Ramaax Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadlkii Taliye Nuux Taani Fariin Culusna U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy