Borama News Network
Somali News

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Amisom Oo Ku Waajahan Kismaayo Oo Ay Isku Haystaan Ciidamada Kenya Iyo Itoobiya Ka Wada Tirsan Amisom

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose ay tagaan Saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Socdaalka uu Maanta Kismaayo ku tagayo Taliyaha Cidiamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira xiisada ka dhalatay diyaarad ay leeihiin Millateriga Itoobiya taas oo shalay Ciidamada Kenya ay u diideen inay ka degto garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Taliyaha ayaa wararkau waxaa ay sheegayaan in markii uu tago Magalada Kismaayo uu saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland uu kala hadli doono xalinta xiisada ka dhalatay dhacdadii shalay iyo in Diyaarada loo ogolaado inay ka degto Garoonka diyaaradaa Kismaayo.

Diyaarada oo la aaminsan yahay inay saaran yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandoosta Itoobiya ayaa shalay marki loo diiday Garoonka Kismaayo waxaa ay ka degtay Magalada Baydhabo,waxaana saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo ay horay u codsadeen in lagu wareejiyo ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo, hayeeshee laga diiday.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay dooneyso inay faragelin ku sameyso doorashada Jubbaland, halka Ciidamada Kenya dhankooda lagu eedeeyay inay taageero siiyeen Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Madoobe oo markale doonaya in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Aaska Badhasaabkii Hore Ee Togdheer Oo Saleebaan Gaal iyo Wasiiro Ka Qeybgaleen Kana Hadleen

Mustafe Haji

Waraysi Dhamaystirin: Abubakar Iyo Omar Oo Ka Warbixiyay Waxyaabihii Ay Ku Soo Arkeen Magaalooyinka Muqdisho Borama Jigjiga Iyo Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa U Jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy