Borama News Network
Somali News

Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Ragii Kufsaday Ee Dilay Caasha Oo 12 Jir Aheyd

-

Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa maanta soo gaba gabaysay kiiskii  Caasha Ilyaas Aadan oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku howlanayd.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasha ah waxa ay ku ridday sedex ruux  oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin waxaana lagu helay sida maxkamaddu sheegtay cadeeymo la xiriira kufsiga iyo dilka in ay ka dambeeyeen.

Dhalin yarada xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaaba.

1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine

2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame

3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame

Kiiskan la xiriira kufsiga ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Duqeeyay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Gudaha Dalka Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dabka Ka Holcaya Kaymaha Amazon Ee Dalka Brazil Oo Saamayn Ku Yeeshay Caalamkoo Dhan

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Gudiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Arimaha Cashuuraha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy