Borama News Network
Somali News

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinkii Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay Laba Doorasho oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, Kuwaasi oo Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig loogu kala doortay Laba Madaxwayne oo Hogaamin doona Maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay ineysan Aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Ugu dambayntii DF Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Related posts

Wiil Ku Nool Magaalada Hargaysa Oo Sameeyay Gaaska Lagu Isticmaalo Shawladaha Cuntada Lagu Kariyo Iyo Qaabka Uu Sameeyay Oo Uu Ka Waramay

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliya Gen Tuur Yare Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Xereeyay Ilaaladoodii Iyo Cabsi Soo Food Saartay Xildhibaanadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy