Borama News Network
Somali News

Kenya Oo Ku Dhawaaqday in ay Heegan Galisay Ciidamada ku Sugan Xadka Soomaaliya

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay Ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee xadka la leh Soomaaliya inta ay socdaan diwaangalinta guud ee dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay doonaayaan in ay weeraraan gobolka iyo sidoo kale meelaha ay ka socoto diwaangalinta guud ee dalka Kenya

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo marayay gobolka Waqooyi bari ayaa dhawaan ka badbaaday iskuday dil oo ay la damacsanaayeen Al-Shabaab sidda ay sheegtay dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Boramanews.com
Boramanews@gmail.com

Related posts

DAAWO: Golaha Wasiirada Somaliya Oo Ansixiyay Heshiisyo Ay Dawlada La Gashay Turtiga Iyo Qodobo Xasaasiya Oo Laga Dooday

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Oday Somaliyeed Oo Talo Dhaxal Gal Ah U Soo Jeediyay Umada Somaliyeed Fariina U Diray Siyaasiyiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Dawlada Fadaraalka Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Heshiis Wada Galay Iyo Wasiir Bayle Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy