Borama News Network
Somali News

Loolanka Qatar iyo Sucuudiga ee Soomaaliya Aqoonsiga iyo Baasaboorka Somaliland Ee Sucuudiga

-

Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa Dalka Turkiga Ayaa Daabacay in dawladda Sucuudiga ay toos ah u aqbashay baasaboorka Somaliland, kaas oo aan laga aqoonsanayn ama aan loogu safri karin dalalka caalamka.

Warbaahinta caalamka ayaa siyaabo kala duwan wax uga qortay arrinta Soomaaliya iyo dalalka loolanka ugu jira ,kuwaas oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Sucuudiga.

Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa dalka Turkiga,ayaa wax ka qoray danaha ay dowladahaas ka leeyihiin Soomaaliya iyo loolanka ay ugu jiraan.

Wargeyska ayaa sheegay in Sacuudiga uu si weyn uga soo horjeeda xidhiidhka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, isagoo taas ka duulayana uu aqoonsaday baasaboorka Somaliland.

Sanadkan gudihiisa ayuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaas oo Sucuudiga ugu dhoofay baasaboor ay leedahay Somaliland, kaddib casuumaad uu ka helay boqorka Sucuudiga.

Arrintan ayaa u muuqata mid uu Sacuudigu ku dhabar jebinayo dawladda Qatar oo xidhiidhka dhaw la leh Dawlada Soomaaliya

Waxaana ay arrintan kusoo beegmeysaa goor ay dawladda Soomaaliya ay u ogolaatay dawladda Qatar in ay maalgeliso Soomaaliya,waxaana hadda ay waddaa Qatar dhismaha Dekedda Hobyo.

Xafiiska Wararka Boramanews
boramanews@gmail.com

Related posts

Coldoon Oo Mandheera Loo Gudbiyay Loona Diiday Qoyskiisu Iney Booqdaan iyo Reer Burco Oo Biiixi Cafis Uga Dalbay

Mustafe Haji

Xiisad Dagaal Oo Hubka La Isku Urur Sanayo Oo KaTaagan Ceel Afwayn Iyo Cabsi Soo Food Saartay Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Qaabka madaxwayne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy