Borama News Network
Arrimaha Bulshada

Maqaal kowaad:Codsiyo ka yimid qalbi idin jecel kuna socda madaxwaynayaasha siciid abdilahi dani iyo muuse biixi cabdi By: mohamed basher hassan ayman

Aslamuailkum warahmatullah wabarakatuh
Salaam kadib maqaalkani Wuxuu hibo fur uyahay maqaalo badan maqalkan ku
socda labada madaxwayne ee sharafta badan madaxwayne siciid abdilaahi dani
iyo madaxwayne muuse biixi cabdi Waxaan ku daah furidoonaa maqaalkan
maqaalo badan oo xambaarsan murtida iyo wax isu sheeg maqaaladaydu waxay
u badnaan doonaan codsiyo mug iyo miisaan leh kaas oo aan ku
dareensiindoono masuulkasta waaqica dhabta ah ee ummadi isku maamulikarto
maskaxdayda iyo maankayga inbadan ayaan ku haminaayey inaan mar uun
gaarsiiyo codsiyadayda.
Magacaygu waxaa Maxamed bashiir xasan (ayman) Waxaan ahay arday reer
burco (Togdheer) ah dhigtana heerka kowaad ee jaamacada burco qaybta
horumarinta bulshada (community development)
Intaa kadib Waxaan halkan barasho iyo codsi uga dirayaa madaxwaynaha
putland mudane SICIID ABDLILAAHI DANI
Barasho Taariikh nololeedka MD Saciid Abdilahi Deni Madaxweynaha
puntland
Madaxweynaha puntland wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Magaalada
Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay
dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku
qaatay Sheekh Xasan Barsame- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu
Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luqadaha, 1998 – 2000
Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia,
takhasuska Maamulka (Master of Management)
.MD . Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii
waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa
aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa
waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana
gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Madaxweyne Siciid
Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997
Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu
Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii
1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22
Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin
katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,
Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la
shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka
siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo
qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga
“Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga
Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman,
sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo
waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo,
African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company,
Oman.
Sannadkii 2005 Madaxweyne Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka
guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii
canshuuraha Puntland.
ugu dambayntiina 8-01-2019 wuxuu ku guulaystay madaxweynaha puntland
barasho kadib Waxaan codsigayga u dirayaa madaxwaynaha puntland siciid
abdilahi deni mudane madaxwayne sidaan ogsoonahay Waxaan nahay ummad
islaam ah ilaahay waxa uu inugu waa jibiyey amarka allah iyo axkaamtiisa taas
oo ay tahay intii aynu kari karno inaan ku dhaqano iskuna xukunno.
Masuuliyada ugu wayne ee qof qabtaa waa madaxwayne taasina waxaa looga
baahanyahay inuu kasoo baxo dhammaan arinkasta oo ku waajib ah waxan
jeclaystay inaan hawada kuu soo mari codsigaygan kaas oo kusalaysan ahdaaf
iyo nidaam.
madaxwayne Waxaan kugu boorinayaa inaad maamulkaaga kaqayb galiso
dhalinta oo ay kasoo dhexmuuqdaan talada dalka si ay ugu noqoto dhiirigalin
fiican, madaxwayne waad ogsoontahay inay yihiin dhalintu labeenta
dowladnimo ku buuxsanto kuna dhisanto.
Codsigayga labaad ee aan ka codsanaayo madaxwayne siciid abdlilaahi deni
waa inaad ku dedaashaa horumarinta nabadda.
Nabaddu waa howga horumarka ummadeenu hakala fogaate way hurimaraysaa
hadii nabada lagawada shaqeeyo madaxwayne Waxaan nahay jiil soo koraayo
mustaqbal raadinaaya idinkaa hogaanka hadda noohaya markaa waxaad noo sii
gogol xaadhaan hogaan fiican iyo mustaqbal wacan, maskax ka fayow faquuq
iyo kala sarayn si ay dhalinteena uga dhex dhalato horumar,jacayl,wax wada
qabsi,iwm Waxaan nahay madaxwayne hogaamiyayaasha baritoole Waxaan
diyaar unahay inaan sida ugu wanaagsan u hogaamino dalkeena iyo dadkeena
madaxwayne hadii uu codsigaygani ku soo gaadho jawaabteeda insha allah
waan kaa sugi doonaa mahadsanidiin.
Barasho Taariikh nololeedka MD Muuse biixi cabdi Madaxweynaha
Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dhashay Miyiga
Magaalada Hargeysa Sannadkii 1948-kii,.

Biixi ayaa Waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba
ku qaatay magaalada Hargeysa. Halka dugsigiiii sare uu ku qaatay Cammuud oo
ku yaalla Magaalada Boorama oo uu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii,
kaddibna wuxuu ku biiray Ciidamada Cirka ee Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa bishii May ee Sannadkii 1985-kii ku biiray Jabhaddii SNM ee
dagaalka kula jirtay Dawladdii Dhexe ee uu Hoggaaminayay Marxuum
Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii Dhexe ayna
ku dhawaaqday Somaliland goonni-isu-taaggeeda waxa uuna soo qabtay xilal
kala duwan.
Sannadkii 1993-kii ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha
Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal.
Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii
la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, Waxaana Guddoomiye
ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha
Xisbiga Talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii,
kaddib shir-weynihii xisbiga, Waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa
madaxweyne ee xisbiga.
Inaa kadibna waxaa loo doortay madaxwaynaha Somaliland mudane muuse
biixi cabdi
Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka.
Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga
xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii.
barasho kadib Waxaan codsigayga udirayaa madaxwaynaha somalilnad muuse
biixi cabdi mudane madaxwayne sidaan ogsoonahay Waxaan nahay ummad
islaam ah ilaahay waxa uu inugu waa jibiyey amarka allah iyo axkaamtiisa taas
oo ay tahay intii aynu kari karno inaan ku dhaqano iskuna xukumo.
Masuuliyada ugu wayne ee qof qabtaa waa madaxwayne taasina waxaa looga
baahanyahay inuu kasoo baxo dhammaan arinkasta oo ku waajib ah waxan
jeclaystay inaan hawada kuu soo mari codsigaygan kaas oo kusalaysan ahdaaf
iyo nidaam madaxwayne Waxaan kugu boorinayaa inaad maamulkaaga kaqayb
galiso dhalinta oo ay kasoo dhexmuuqdaan talada dalka si ay ugu noqoto isku
dayasho wacan madaxwayne waad ogsoontahay inay yihiin dhalintu labeenta
dowladnimo ku buuxsanto kuna dhisanto.
Codsigayga labaad ee aan ka codsanaayo madaxwayne muuse bixi cabdi waa
inuu ku dedaal horumarinta nabadda, nabaddu waa howga horumarka
ummadeenu hakala fogaate way hurimaraysaa hadii nabada lagawada shaqeeyo
madaxwayne Waxaan nahay jiil soo koraayo mustaqbal raadinaaya idinkaa
hogaanka hadana noohaya markaa waxaad noo sii gogol xaadhaan hogaan fiican
iyo mustaqbal wacan, maskax ka fayow faquuq iyo kala sarayn si ay
dhalinteena uga dhex dhalo horumar,jacayl,wax wada qabsi,Waxaan nahay
madaxwayne hogaamiyayaasha baritoole Waxaan diyaar unahay inaan sida ugu
wanaagsan u hogaamino dalkeena iyo dadkeena madaxwayne hadii uu
codsigaygani ku soo gaadho jawaabteeda insha allah waan kaa sugi doonaa
mahadsanidiin

Halhaystaydu waa:
Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad
QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN)
Tell: 063-6483645/065-9345261
Email:mobashiir23@gmail.com

Related posts

Xil. Janalaha Burco ee Borama u taariikho tirsanayow Awdal Waxa ay Gobol iyo Maamul Noqotay Somaliland & Somalia oo Magac iyo Maamul ahaan Midna aan jirin sida ku cad Xoggahan taariikhaysan. By: Khadar-Libaaxley

Mustafe Haji

What happens when herd mentality rules our minds.? By:Jama Falaag

Mustafe Haji

Cilmi iyo Neef hawo Ciddi kama dheregtee Koonku (Universe) intuu leeg yahay maxaad ka ogtahay? Qaybtii 2aad

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy