Borama News Network
Somali News

Booliska Kenya Oo Sheegay In Ay Dileen Nin L Dhashay Ninkii Fuliyay Weerarkii Hotelka Dusit D2

Booliska Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay dhawaan dileen Nin la dhashay Ninkii sanadkii hore isku qarxiyay Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay ogaadeen in Mohamed Rashid Mwatsumiro, oo ay 30kii Bishan ku dileen Gobolka Kwale ayaa sheegay in uu la dhashay Ninkii billaabay weerarkii Dusit D2, kaas oo lagu magacaabayay Mahir Khalid Riziki.

Labada Nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay ku tababarteen gudaha Soomaaliya markii horena u safreen Tanzania kaddibna dib ugu laabteen dalka Kenya.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay rumeysanyihiin in qoyskaasi dhamaantood ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Modi, ayaa 30kii August Ciidamada Kenya kula dagaallamay Guri uu ka degganaa degaanka Kwale halkaas oo ay rasaas isku dhaafsadeen islamarkaana sababtay in uu geeriyoodo.

Isha:Daily Nation

Related posts

Madaxwaynihii Hore Ee Maamulka Galmudug Oo Dawlada Fadaraalka Somaliya Ugu Digay Xaalada Galmudug

Bnnstaff Bnnstaff

Xighayaha Ucid Oo Weeraray Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka kana hadlay xadhiga wariyayaasha

Mustafe Haji

Somaliland Oo Shaqada Ka Eriday Shaqaale Ka Shaqaynayay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy